
Bernard Arnault waa 73-jir ganacsade, dhaqaalyahan, maalgashte iyo sidoo kale co-founder ka iyo madaxa shirkada, LVMH waa shirkado isku tagay kuwaas oo haysata badeecada luxury -ga, xaruntooda ugu wayna waxay ku taalaa magaalada Paris,
LVMH hadda waa ay ka qiima badan tahay shirkada Tesla
Tesla waxaa ah iminka sii luminaysa qiimaha shirkada kaasoo mar ahaa kan ugu sareeya, sanadkaan 2023-da shirkadu waxaa ay kusii socotaa hoos udhac balaaran oo soo bilawday sanadkii tagay ee 2022.
Aan dib kuu xasuusiyee Tesla waxaa ay Talaadadii hore lumisay 12.2% kadib markii ay gaari waysay hadafkeedi Q1, kolkii laysku dardarana xisaabtii sanadkii tagay Tesla waxaa ay lumisay xisaab gaaraysa 72.7%.
Tesla’s market capitalization-keeda waa $339 billion, taasoo micneheedu tahay in Tesla ka danbayso shirkado badan oo ay kamid yihiin Walmart, Nvidia, and Eli Lilly.
qasaarahaan soo gaaray Tesla waxaa uu sidoo kale sabababay in Tesla ka gadaal marto shirkada LVMH oo hadda market capitalization-keedu yahay $389 billion, taasoo ka dhigan in ay iminka ka qiima badantahay shirkada Tesla.
hogaamiyaha shirkadaan Bernard Arnault waxaa uu dhaqaan saaxada taajirka koowaad ka saaray Elon Musk oo ah hogaamiyaha shirkada Tesla, waxaana hogaanka taajirka koowaad ee dunida iminka haya Bernard Arnault, intaas kuma ekayne shirkadiisu waxaa ay ka qiima badantahay hadda shirkada Tesla.
Tesla waxaa ay iminka wajahaysaa suuqyare dhanka baabuurta Elect.. iyadoo la xasuusto in shirkadu ka mid noqotay shirkado yar oo maraykana kuwaas oo gaaray xadiga 1trillion sida shirkadaha Apple, Microsoft, Google, Amazon iyo Alphbet kuwaas oo wada noqday group -ka 1trillion, inkastoo ay Amazon iminka ka dhacday group-kaas iyadoo qiima dhac wajahday.
Elon waxaa soo wajahay culayska dhanka suuqa ah maagashadayaasha Tesla waxaa ay ku eedeeyeen Elon in uu arimo kale aad ugu mashquulay oo uusan xooga saarin shirkadaan, mawduucaas waxaan oga hadalnay halkaan hoose, soo aqri mar walba oo aad firaaqo u hesho.
xigasha xogtaan/xuquuqda: Fortune.com
ku bilaaw maalintaada habraaca wararka kusalaysan dhaqaalaha, ganacisiga, caafimaadka iyo Teknoolajiya—- si ayasan kuu dhaafin E-mali kaaga halkaan hoose noogu reeb — Mahadsanid 🖤
Tesla kaliya maahan ee shirkado badan ayaa wajahaya suuqyare, hal iyo labo waxaad ku darsan karto iyo sida ay kulatahay halkaan hoose noogu reeb, mahadsanid!