free tracking

Lafta Gareen oo kulan laqatay Martin Griffiths

Start
1 min read

[Somalia]

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, ahna madaxa UN-OCHA Martin Griffiths iyo wafdi uu horkacayo oo maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Labada mas’uul ayaa waxaa kulanka ku wehlinayey xubno ka tirsan golaha wasiirada maamulka Koonfur Galbeed iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada maamulkaasi.

Kulankan ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray wax ka qabashada abaaraha ka jira halkaasi, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Koonfur Galbeed

“Waxaa kulanka looga hadlay Arimaha Abaaraha iyo sidii wax loogu qaban lahaa Bulshada ku nool guud ahaan Deeganada Koonfur Galbeed ee Saamaysay Abaarta Daran ee ka dhacday guud ahaan Dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Lafta Gareen.

Koonfur Galbeed ayaa ka mid ah meelaha ay sida daran u saameysay abaarta, waxaana ugu sii daran go’doonka ay deegaannada maamulkaasi galiyeen xoogaga Al-Shabaab.

Caana

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.