free tracking

Labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa manta ansixiyay miisaaniyadda Qaranka ee 2022-ka

Start
1 min read

[Muqdisho]

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe iyo ku-xigeenka koobaad ee Golaha shacabka oo ay weheliyaan guddoonka  Aqalka sare ayaa shir guddoomiyey Kalfadhiga 1aad kulankiisa 9aad ee wadajirka ah, Ajandaha kulanka oo ahaa   aqrinta sadaxaad iyo u codeynta miisaaniyadda 2022-ka.

Guddiga KMG ah ee loo xil saaray odoroska miisaaniyada ayaa soo jeediyey warbxin guudna  ka siiyey xildhibaannada.

Guddoomiyaha ayaa soo jeediyey in xildhibaanada ay miisaaniyada u codeeyaan maadaama dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay laga dooday su’alana laga weeydiiyay wasiirka wasaarada maaliyadda, iyadoo gaba-gabada cod gacan taag ah ugu codeeyeen 204 mudane halka labo Xildhibaan ay ka aamustay  waxaana diiday labo xildhibaan, waxaana uu Guddoomiyuhu sheegay in sidaasi miisaaniyada ay ansax ku tahay.

Miisaaniyadda dowladda ee sanadkaan 2022 ayaa gaaraysa lacag cadad-keedu dhanyahay 918.7 milyan oo dollar.     

Caana

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.