Muqadisho
La-taliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee xakameynta qul-qulka hubka sharci darrada ah ee Soomaaliya Marwo Makko Maxamuud Muuse ayaa bogaadisay tallaabadii uu Baarlamaanka Galmudug ku ansixiyay sharciga xakameynta hubka.
Waxay sheegtay in sharcigaan uu muhiim u yahay in la xakameeyo hubka sharci darrada ah, Sharcigan ayaa muhiim u ah in la xakameeyo hubka aan sharciyeesneen ama aan ku jirin gacanta dowladda, waxaana tallabadan ay qeyb ka tahay aragtida Madaxweyne Xasan Sheekh ee ku aaddan in la xoojiyo in hay’adaha dowladda kaliya ay gacanta ku hayaan awoodda dalka ‘monopoly of violence’ si loo hirgaliyo Soomaali heshiis ah dunidana heshiis la ah.
Waxee kaloo intaas ku dartay La-taliye Makko in tallaabadan ay soo dedejin karto dadaalka madaxweyne Xasan Sheekh oo ku aaddan in Soomaaliya laga qaado cuna-qabatayna hubka ee saaran.
Sidoo kale waxay hoosta ka xariiqday in tallaabada iyo kuwa lamidka ah ay Soomaaliya u Sababi karaan in laga qaado cuna-qabataynta saaran, taasi oo laf dhabar u ah la-dagaalanka argagixisada.