free tracking

Kusimaha Madaxweynaha dalka oo kulan la qaatay James Swan

Start
1 min read

[Muqdisho]

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh  Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta waxaa uu kulan la qaatay Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amb James Swan.

Kulanka ayaa waxa ay masuuliyiintu uga hadleen weeraradii ugu dambeeyay ee ay maleeshiyaadka argagixisada ah ee Al Shabaab ka geysteen  qeybo ka mid ah gobolada dhaca xadka aynu la wadaagno Dalka Itoobiya, sidoo kale masuuliyiinta ayaa isla soo hadal qaaday sidii loo dardar gelin lahaa taageerada ay Qaramada midoobay siineyso Golaha Shacabka ee BJFS iyadoo laga sii-amba qaadaayo kulamo horay ay yeesheen danjire James swan iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Ugu dambeyn  kusimaha madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo danjire James Swan ayaa kulankooda inta uu socday waxa ay ahmiyad gaar ah siiyeen arrimaha gurmadka Abaaraha iyo sidii wax loogu qaban lahaa qoysaska ay abaaraha saameeyeen.

Caana

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.