free tracking

Khasaare ka dhashay Madaafiic ku dhacday xaafado ku dhow Villa Somalia

Start
1 min read

[Muqdisho]

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday madaafiic oo maanta lagu qaaday agagaarka xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, kaas oo sababay khasaare kala duwan.

Qaar kamida ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in hoobiyeyaasha oo gaarayey illaa 5 madfac ay ku dhaceen xaafado ku yaalla dhinaca Filorensa oo ku dhow xarunta Villa Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in dad shacab ah ay waxyeelo kasoo gaareen hoobiyeyaashaas oo ku dhacay guryahooda, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha amniga.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in madaafiicda laga soo tuuray dhanka degmada Hodan, sida ay innoo xaqiijiyeen qaar kamida ah dadka deegaanka.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale bilaabay howlgallo baaritaano ah, kadib weerarkaas oo uu bartilmaameedkiisu ahaa xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Weerarka waxaa lagu soo beegay xilli uu socday kulan ay lahaayeen xildhibaanada Golaha Shacabka, kaas oo lagu ansixiyey golaha wasiirada cusub ee xukuumadda Soomaaliya.

Caana

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.