[Muqdisho]
Waxaa isasoo taraya khasaaraha ka dhashay qaraxyadii Shalay Galab ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho, ilaa hadda isku dar tirada dadka geeriyooday ayaa lagu qiyaasayaa in kabadan 100 qof, in kastoo dadka loola kala cararay xarumaha caafimaadka ee magaalada oo aad u badan.
Dowladda Soomaaliya, ilaa hadda sooma bandhigin tira koob rasmi oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay qaraxyadii Shalay, balse warbaahinta ayaa heleysa xog aad u kooban oo ka imaaneysa goobaha caafimaadka.
Wakaaladda wararka ee AP oo soo xiganeysa qof ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ee isbitaalka Madiina ayaa werisay, meydadka in ka badan 70 qof in la geeyey isbitaalkaas, sidoo kale tarada dhaawacyada ee la geeyey Madiina ayaa lagu sheegay 300 qof in ka badan.
Isbitaalada Digfeer iyo Somali-Sudaneys ayaa sidoo kale la geeyey meydad iyo dhaawacyo aad u badan oo cid tira koob rasmi ah ku sameysay aysan jirin.Isbitaallada kale ee ku yaalla wadada weyn ee Maka Al-mukarama, ayaa sidoo kale la dhigay meydadka iyo dhaawacyada tobanaan dad ah.
Carruur, haween iyo dhalinyaro wax baratay ayaa u badan dadka ku waxyeeloobay qaraxyadaan oo ka dhacay isgoyska Soobe, xilli uu maanta aad mashquul u ahaa.
Gaadiid farabadan oo Bajaaj u badan iyo goobihii ganacsiyada ee aaggaas ku yaallay ayaa burburay, halka dadkii ay noqdeen wax dhintay, wax ku dhaawacmay qaraxyada iyo wax raq iyo ruux lagu la’yahay.
Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay masuuliyada qaraxyadaas ayaa ku andacootay inay weerartay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, waxayna kooxdu ku faantay inay dishay dad gaaraya 24 qof.
Labada qarax oo ka dhacay banaanka hore ee wasaaradda waxbarashada ayaa loo adeegsaday gaadiid ay wadeen kuwo naftooda haligay, mid walba wuxuu geystay khasaare baaxad leh, waxayna kooxdu bartilmaameedkeeda ku sheegtay in uu ahaa Xarunta Wasaaradda Waxbarashadda.
Fariintan ayaa hada katimid Hayada Musiiboyin ka Qaranka ee SODMA Muwaadin ma heysaa xog ku saabsan qasaaraha nafeed dhimasho dhaawac ama la la’yahay) ama qasaaraha hantiyadeed ee ka dhashay Musiibadii Soobe ka dhacday?
Hadaba Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka waxey si xushmad leh kaga codsaneysaa in aad lasoo xiriirto lambarada hoos ku qoran si aad ula wadaagto waxii xog ah.
