Warar saakay naga soo gaaraya magaalada
Kismaayo ayaa sheegay in ay jiraan qasaaro kala duwan oo ka dhashay qaraxyadii xalay ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo, waxaa lasoo sheegayaa in ay jiraan dhimashada dhowr qof iyo dhaawacyo kale.
Qaraxyada ayaa ka dhacay guriga sargaal kamid ah laamaha amniga maamulka Ahmed Madoobe, sida ay noo sheegeen qaar kamida dad goobjoogayaal ah.
Waxayna goobjoogayaashu noosheegeen in uu weerarku ka dhacay xaafadda Kibooro, waxay xaafadaan kamid tahay meelaha ugu halista badan Kismaayo horayna ay oga dheceen dilal qorshaysan.
Qaraxii xalay ayaa dhacay xilli dadka deegaanku ay hurdayeen walina si sax ah looma xaqiijin inta qasaaro oo uu geystay, ciidamada amaanka ayaa saakay waday howlgallo.