free tracking
///

Khariidaynta Kaymaha Adduunka: iyo sidee uu u cagaaran yahay dhulkeenu

Start
1 min read

Sida ay sheegayso warbixin aan ka soo xiganay Qaramada Midoobay (UN), dhirta ama kaymaha ayaa daboolay 31% dhulka aan ku noolanahay, iyagoo soo nuuga qiyaastii 15.6 Billion oo tan oo carbon dioxide (CO₂) sanad walba.

In ka badan kala badh daboolkan cagaarkan ayaa ku faafay kaymaha dalagga ee Ruushka iyo Kanada, Amazon ee Koonfurta Ameerika, iyo kaymaha caleenta-ballaaran ee Shiinaha.

Kaymahan kaarboon-ka-wareejinta ah waxa ay nadiifiyaan hawada, sdioo kalana waxaa ay sifeeyaan biyaha, waxayna ka hortagaan nabaad-guurka ciidda, iyagoo u dhaqmaya sidii difaac muhiim ah oo ka hortaga isbeddelka cimilada.

Khariidadahan iskugu jirta dunida oo idil ee uu sameeyay Adam Symington waxaa u adeegsaday xog laga soo ururiyay MODIS ee satalaytka Terra si ay u muujiso saamiga oogada adduunka ee lagu daboolay geedaha iyo meelaha aan cagaarka ahayn.

Halkaan hoose ayaan ku soo bandhigi doonaa sawirada uu qaaday satalaytka kuwaas oo noo cadayn doona cagaarka oogada sare iyo meelaha saxaraha ah.

Asia

Hoyga keymaha ee Ruushka, kaymaha caleenta-ballaaran ee Shiinaha, kaymaha loo yaqaan mangrove ee Indonesia, iyo suunka cagaaran ee ku teedsan Himalayas weyn, Aasiya waxay ku faantaa qaar ka mid ah dhirta cagaaran ee ugu qanisan kuna noolyihiin noolaha kala duwan ee adduunka.

sidaan ayayna ukala baaxad waynyihiin Ruushka ayaa ugu badan, Shiinaha ayaa xiga, Indonesia ayaa iyana ka liidan oo kaalinta 3aad cariirsatay, Indian ayaa sidoo kale ka marnayn halkaan.

Amazon iyo Congolian Rainforest

Koonfurta Ameerika, Brazil waxay leedahay daboolka cagaaran ee labaad ee ugu weyn adduunka.

Inta badan 497 milyan oo hektar ee daboola kaynta ah waxay dhacdaa sambabada meeraha -kaynta Amazon.

North American Forests

Kanada, Mareykanka, iyo Mexico waxay isku daraan 723 milyan hektar oo kaymaha adduunka ah, baaxadda ballaaran ee geedaha iyo berooshka ee Waqooyiga Weyn, oo ay weheliyaan kaymaha kala duwan ee Maraykanka ayaa ka dhigaya qaarada mid ka mid ah meelaha ugu weyn ee kaarboon-ga ee adduunka.

Kaymaha Adduunka ee Lumay

2000 ilaa 2021 waxaa gubtay dhul balaaran waxaana halkaas ku basbeelay keymo aad u baaxad wayn oo dunida muhiim u ahaa, qoraal ahaan kuma soo koobi karo balse waxaan isku dayi doonaa in aan khariirad ahaan kuugu soo bandhigo.

Laga soo bilaabo 2000, dunidu waxay lumisay in ka badan 104 milyan hektar oo muuqaal-kayn oo saafi ah, 2020 oo kaliya in ka badan 10 kun oo kiiloomitir oo isku wareeg ah oo Amazon ah ayaa loo burburiyay.

Ku bilaaw maalintaada habraaca wararka ku salaysan DhaqaalahaGanacsigayadaMaaliyadaCaafimaadka iyo Teknoolajiyada.

Si aysan kuu dhaafin daabacadeena fadlan halkaan hoose noogu reeb E-mailkaaga — Mahadsanid 🖤

Jalwa

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.