free tracking

Kenya oo sheegtay in ey maanta bilabeyso dulimaadyadii qaadka

Start
1 min read

[Kenya]

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in maanta dowladda Kenya ay si rasmi ah u bilaabeyso dhoofinta qaadka Miiraaga ee la keenayo Soomaaliya, kadib heshiis rasmi ah oo ay dhowaan labada waddan ku gaareen caasimada dalkaas ee Nairobi.

Ganacsatada Qaadka Miiraaga ee Kenya oo la hadlay waraabhinta ayaa shaaca ka qaaday in maanta oo ay ku beegan tahay 24 July ay bilaabayaan dhoofinta qaadka, waxaana la filayaa in diyaaradaha qaadka ay maanta si toos uga soo dagaan garoonka Aadan Cadde.

Sidoo kale ganacsatada ayaa u mahadceliyey labada dowladood ee ku heshiiyey dib u bilaabida qaadka oo muddo xayirnaa, kadib go’aan kasoo baxay dowladdii hore ee Farmajo.

Dhinaca kale waxaa weli taagan dood u dhexeyso ganacsada Soomaalida ee qaadka iyo shaqsiyaad ay ku eedeeyeen in loo xiray keenista qaadka ka imaanaya dalka Kenya.

Guddiga ganacsatada ayaa madaxweynaha ka codsaday in uu soo faro geliyo arrintaan oo cabashadoodana uu wax ka qabto, sidoo kale waxay sheegeen in ra’iisul wasaaraha cusub ay u gudbiyeen cabashadooda, isla markaana ay ka rajeynayaan jawaab wanaagsan.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, xilli ey Soomaaliya ku dhawaaqday in dib loo furay Qaadka Kenya kadib heshiis ay wada gaareen madaxweynayaasha labada dowladdood ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Uhur Kenyatta.

Si kastaba, xiriirka dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa hadda isbedel uu ku yimid, kadib doorashadii 15-kii May, waxaana meesha ka baxay mad-madowgii u dhexeeyey labada dal.

Caana

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.