Sidaan horay u shaacinay
Kenya waxaa ay goordhow bilaabi doontaa dhoofinta qaadka ee Soomaaliya, iyadoo lafilaayo in horaanta bisha Luulyo uu dhoco saxiixa hishiiskaan.
Sidaan ku daabacnay warbixinadii hore wasiirka beeraha Kenya Mr Munya ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan labilaabayo qaadka isagoo raaciyay in hishiisku meel wanaagsan maraayo, mudo laba isbuucna gudohood lagu bilaabi doono, “5-ta bisha Luulyo ee soo socota, heshiiska waxaa lagu saxiixi doonaa halkan Nairobi,” ayuu yiri Munya
Soomaaliya ayaa hakisay qaadka ka yimaada Kenya labodii sano ee lasoo dhaafay oo ay taariikhdu ku beegneed 19-ki March-2020, iyadoo kolkaas sabab looga dhigay Covid-19.