Xukuumada cusub:
warar aan helayno ayaa sheegaya in uu jiro ismari waa udhexeeya madaxda xisbiga talada haya ee UPD kaasoo kusalaysan wasaarad dheeri ah oo lagu soo darayo xukuumada cusub, wasaaradan ayaa waxaa lasiinayaa beesha daarood sida aan kuhelayno wararka.
waxaa dhacay wadahadal udhexeeyay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha cusub, kaasoo kudhexmaray qadka teleefanka habeenimadi xalay, waxayna kawada hadleen oo iska xog waraysteen caqabadaha iyo qadiyadda wasaaradaan cusub ee la siinayo beesha daarood.
Xamse Cabdi Barre ayaa iminka ku mashquulsan dhisida xukuumadiisa, waxaana jira madaxbadan oo doonaya in ay kasoo muuqdaan xukuumadan.
xubnaha xisibiga talada haya ee UPD waa ay isku khilaafeen arinta wasaaradan cusub, walow ay jiraan kulamo xal looga gaarayo arintaan.
Sidoo kale warar aan helnay ayaa sheegaya in xukuumadan lagu soo dari doono madaxbadan oo kamida xukuumadi hore, waxaa sidoo kale la sheegay in xil wasiir loo magacaabi doono Cali Daahir oo ah madaxweyne ku xigeenka galmudug oo horay u waayay in loo magaacbo wasiirka koowaaad ee xukuumadan.
waxaa sidoo kale taagan arinta qaybsiga wasaaradaha iyo sida loogu qaybinaayo beelaha soomaaliyeed
lama oga halka ay danbayn doonto iyo sida loo xalin doono guuxaan cusub ee wasaarada dheeriga ah iyo in ay xisbiga UPD isku