free tracking

Imaaraatka oo Soomaaliya usoo magacawday Safiir cusub

Start
1 min read

[Abu Dhabi]

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa bedeshay safiirkoodii u joogay Soomaaliya Mohamed Ahmed Othman Al Hammadi, waxaana safiirka lagu bedelay mid cusub oo dhawwaan shaqada kala wareegaya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Ahmad Juma Al Rumaithi, uu noqonayo safiirkooda cusub ee u fadhin doona Soomaaliya.

Al Rumaithi oo la filayo inuu dhowaan soo gaaro magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu hor dhaariyey madaxweynaha dalka Imaaraadka Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan, si uu unoqdo safiirka cusub ee dalkaas u qaabilsanaan doono arrimaha dalka Soomaaliya.

Imaaraadka ayaa haatan xiriir xoogan la leh dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqashadiisii ugu horreysay ku tegay, Isbeddalkaan ayaa ku soo aadayo, xilli haatan Imaaraadka uu Qatar kaga adkaaday loolanka Soomaaliya, taas oo 5-tii sano ee la soo dhaafay aad ugu dhoweyd Farmaajo.

Dowladda Imaaraadka ayaa ka mid ah dowladaha Carbeed oo sida u dhow u taageero Soomaaliya, waxaase uu xiriirka hoos u dhacay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhex-galay dowladdii Farmaajo iyo Imaaraadka, balse xiriirkii xumaaday ayaa markale haatan dib u soo hagaagay, kadib markii uu talada dalka la wareegay madaxweyne Xasan Sheekh.

Caana

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.