free tracking
/

Ilhaan Cumar oo markii saddexaad dib loogu doortay Congress-ka

Start
1 min read

[America]

Ilhaan Cumar waa gabar Soomaali ah, kana tirsan Congress-ka waddanka Mareykanka ayaa markii saddexaad guul taariikhi ah ka soo hoyday doorashada xilliga dhexe ee dalkaas, taas oo labadii sanaba mar la qabto.

Ilhan Cumar ayaa kursigan waxa ay kula tartantay musharax ka socotay xisbiga Jamhuuriga oo lagu magacaabo Cicely Davis , waxaana ugu dambeyn kursigan ku guuleestay Ilhan Cumar oo katirsan xisbiga Dimuquraadiga.

Xildhibaan Ilhan Cumar ayaa noqotay  sanadkii 2018 qofkii ugu horreeyay ee Somali-American ah oo loo doorto Congress-ka Mareykanka, waxa ayna mar kale ku guuleesatay in ay difaacato kursigan.

Dadka codeynayey ayaa waxaa sidoo kale ka mid ahaa Soomaali badan oo ku sugan gobollo dhowr ah oo ka tirsan wadanka Mareykanka.

Ilhan Cumar ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay guushan ay ka gaartay doorashada kuriga degmada ee shanaad ee gobolka Minnesota , waxa ayna sheegtay in doorashadan tahay guul usoo hoyatay dadka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale waxaa guusha Ilhaan Cumar si aad u soo dhoweeyey taageerayaasheeda oo u dabaal degay in markale loo doorto Congress-ka Mareykanka.

Caana

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.