Wararka naga soo gaaraya garoonka diyaarahada ee dhuusamareeb,
Hoobiyaal gaaraya dhowr ayaa waxaa laga maqlay magaalada, waxayna dadka deegaanku sheegayaan in ay ku dheceen garoonka diyaaradaha iyo agagaarkiisa, waxay dadku noo sheegeen in aysan garanayn qasaaraha ay sababeen hoobiyaashaan saakay lagu waabaraystay.
Ciidamda Jabuuti oo ka tirsan howlgalka ATMIS iyo Gorgor oo fariisamo ku leh agagaarka garoonka diyaarahada ayaa sameeyay jawaabo ay kaga falcelinayaan hoobiyaashaan, ciidamada Gorgor ayaa naloo sheegay in duqaymo jawaaba bixiyeen oo duqeeyeen meelo ay isleeyihiin waxaa laga soo tuuray hoobiyaasha saakay.
Sidoo kale ciidmada ayaa bilaabay baaritaano ay kwaadaan deegaanka oo ay isleeyihiin waa meelihi laga soo weeraray saakay.