Sidaan horay u daabacnay waxaa safar dibada ah u anbabaxay ra’iisul wasaaraha dalka mudane Hamze Abdi Barre kaa soo ku aadan dalka Masar, Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa kulan la qaatay madaxda dalkaas.
Masar waxaa ay balanqaaday in ay qayb ka noqon doonto isbdalka iyo hormarka ka socda Soomaaliya, intii kulanka uu socda waxaa sidoo kale laga wada hadlay kor u qaadista xiriirka labada dowladood iskaashiga dhaqan iyo dhaqaale uu udhexeeya labada Dowladood Soomaaliya iyo Masar
waxaa sidoo kale dhacay saxiixyo qayb ka ah hishiisyadaan, wafdiga ra’iisul wasaaraha waxaa ka mid ahaa wasiirka waxbarashada hidaha iyo tacliinta Faarax sheekh Abdiqaadir iyo wasiirka arimaha dibada, hishiisyada la saxiixay waxaa kamid ahaa heshiiyo ku saabsan waxbarashada, warfaafinta, diinta, dhaqanka iyo awqaafta.
ku bilaaw maalintaada habraaca wararka kusalaysan dhaqaalaha, ganacisiga, caafimaadka iyo Teknoolajiya—- si ayasan kuu dhaafin E-mali kaaga halkaan hoose noogu reeb — Mahadsanid 🖤