[Mogadishu]
Ra’iisul wasaaraha Dalka mudden Xamse Cabdi Barre ayaa booqday isbitaalada ay yaaliin dhaawacyadii dadki ay wax kasoo gaareen weerarkii lagu qaaday Hotel Xayaat ee magaalada Muqdisho.
Intii uu booqashada ku gudada jiray ra’iisul wasaaraha waxaa uu warbixin kala duman oo ku saabsan xaalada caafimaad ka dhagaystay maamulayaasha isbitaalada Medina Ivo Erdogan.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale balan qaaday in dhaawacyada aan dalka wax looga qaban karin ay dowladu u quadi doonto dalka dibadiisa.
Sidoo kale waxaa uu balan qaaday in in dowladu la xisaabtami doonto, isla markaana ay masuuliyadaas qaadi doonto masuuliyada wixii dhacay, waxaa uu intaas kudaray in ay la xisaabtami doonaan cid walba oo gudan waysay masuuliyadeeda.
Sidoo kale waxaa uu tacsi diray eheladii iyo dadkii ku shihiiday weerarkaasi, isagoo u duceeyay dhamaantood.