free tracking

Hal Sababta oo keentay dib u dhaca ku yimid Magacaabista Golaha Wasiirada

Start
1 min read

[Mogadishu]

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo magacaaban muddo bil ka badan ayaan wali soo magacaabin golihiisa wasiirada, waxaana wali socda wadatashiyo ku aadan magacaabista golaha wasiirada.

Sida aan wararka ku helnay inta badan xubnaha kamid noqonaya xukuumada cusub ee Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa diyaarsan, waxaana kaliya dhiman in lagu dhawaaqo oo si rsami ah loo shaaciyo.

Ra’isul Wasaare Xamse Barre ayaa la filayay in bil gudaheed kusoo dhiso xukuumada cusub, hasa ahaatee waxaa dib u dhac ku yimid magacaabista golaha wasiirada oon wali la ogeyn xilliga lagu dhawaaqayo.

Dib u dhaca ku yimid magacaabista golaha wasiirada ayaa sabab looga dhigay safarada badan ee Madaxweyne Xasan Sheekh ku aadayay dalka dibadiisa, waxaana la filayaa marka Madaxweynaha safarada soo dhameesto  lagu dhawaaqo golaha wasiirada.

Golaha cusub ee wasiirada ayaa la filayaa in ay kamid noqdaan xubno badan oo katirsan kooxda Damul Jadiid iyo kooxda la jaalka ah ee Wadajir, waxaa sidoo kale xukuumada kasoo muuqan doona xubno badan oo Xasan Sheekh wax kasoo dhisay.Xildhibaanada golaha shacabka ayaa qaar badan oo kamid ah kasoo muuqan doona xukuumada cusub si aysan caqabad ugu noqon meel marinta Baarlamaanka ee xukuumada cusub uu soo dhisayo Ra’isul Wasaare Xamse Barre.

Jalwa

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.