[Mogadishu]
Wasiirka koowaad ee xukuumadda Soomaaliya ayaa kulan is xog-waraysi ah la qaatay Agaasimaha guud ee wasaaradaha iyo hay’addaha dowlada fedraalka Soomaaliya, isaga oo madaxda kala hadlay muhiimada ay dowlada ugu fadhiso maamul goboleedyada.
Ra’iisul wasaaraha oo mar ka hadlayay muhiimada ay leedahay isku xirnaanta maamul goboleedayada iyo dowlada dhexe ayaa sheegay in doorosho qof iyo cod ah in lagaaro ay ku xirantahay in hishiish dhexmara dowlada dhexe iyo maamul goboleedyada, isagoo kutaliyay in la adkeeyo cilaaqaadkoos, iyadoo la raacaayo dastuurka dalka uyaala.
“Dowlad-goboleedyada madaxdooda iyo dowladda dhexe waa inay heshiis yihiin,haddaysan heshiin Dastuur ma dhaqaaqayo,Doorasho qof iyo cod ahna lama gaarayo,waa lagama-maarmaan in laga heshiiyo halka dalkan uu u dhaqaaqayo” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.
kulankaan is xogwaraysiga ah ayaa kusoo aadaya xilli uu soo ifbaxayo khilaaf u dhexeeya dowlada dhexe iyo maamulka Puntland, iyadoo Dani iyo kooxdiisu ay caro ka qaadeen guuldaradii doorashada madaxweyne ee 15May.