free tracking
/

Hadal kasoo yeeray Marwada Madaxweynaha Kenya oo hadal heyn badan dhaliyay

Start
1 min read

[Kenya-News]

Hadal ay jeedisay marwada koobaad ee madaxweynaha dalka Kenya Rachel Ruto, ayaa hadal heyn badan ka abuuray gudaha dalka Kenya, waxaana hadalkan siyaabo kala duwan uga falceliyay qaar kamid ah dadka dalkaasi u dhashay.

Rachel Ruto, ayaa sheegtay in xarunta madaxtooyada Kenya bil kasta ay martigalineyso kulamo duco ah ay qabanayaan waddaado masiixiyiin ah, waxaana hadalkan daba socdaa kulan axadii madaxtooyada loogu qabtay waddaado masiixiyiin ah.

Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto iyo xaaskiisa ayaa ah Masiixiyiin aaminsan Evangelical, waxa ayna marwada madaxweynaha aaminsan tahay in guusha ninkeeda ka dhalatay iimaankiisa iyo aaminsanaanta diintiisa.

“Albaabada Aqalka Dawladdu way furan yihiin oo ogow in ay halkan idin joogto hooyo Rachel ayna had iyo jeer albaabada kuu furi doonta marka madaxweynuhu mashquulo,” ayay tiri xaaska Madaxweynaha Kenya.

Hadalkan ayaana abuuray falcelinayo kala duwan oo ka imaaneysay bulshada, waxa ayna dadka qaar kasoo horjeesteen in madaxtooyada loo furo waddaado diimeed qaar halka kuwa kalana laga xirnayo.

“Haddii madaxweyne Muslim ah uu sameeyo waxa ay Masiixiyiinta ka sameynayaan Aqalka Madaxtooyada hadda, waxaa dalka oo dhan ka dhici lahaa mudaaharaadyo. Annagu waxaan nahay dowlad cilmaani ah, diinna kama hormaro cid kale,” ayuu yiri mid kamid ah dadkii ka falceliyay hadalka marwada madaxweynaha Kenya.

Dalka Kenya ayaa waxaa kuwada nool bulsho kala duwan oo isugu jira Muslimiin iyo gaalo, waxa ayna dadka qaar tilmaameen tallaabada waddaada masiixiyiinta kaliya loogu furayo albaabada madaxtooyada Kenya ay tahay kala saarid dhinaca diinta ah.

Jalwa

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.