chatGPT oo ah shirkad dhawaan la abuuray taasoo ah Artificial Intelligence (AI), waxay kuugu jawaabaysaa sida bani aadan ka oo kale, waxay kuu qoraysaa warbixinta mowduuc walba oo aad waydiiso sidaas awadeed waxaa ku soo xirmay dad aad ufarabadan, shirkadaan ayaa si fudud waxaa ay ku heshay Rukuntayaal badan, basle waxaa kusoo biiray dad hackers ah kuwaas oo u isticmaala in ay waydiiyaan code kaasoo ah mid dhaawacaya device kaaga kadibna hackers ka ufududaynaaya in ay si dhaqsa ah oo fudud ku helaan xogtaada.
dadwaynaha ku xiran shirkada hadda waxaa ay isticmaalaan qaybta free ga ah inkastoo shirkadu soo waddo qayb lacag ah oo lafilayo in dhawaan soo baxdo, qaybtaan lacagta ah waxaa dhisaya ama hormarinaya shirkada Microsoft taasoo leh OpenAI.
mawduuca soo socda ayaan oga hadli doonaa cida sida buuxda u leh shirkadaan cusub ee indhaha caalamka soo jiidatay iyo sidoo kale cidii share ku darsatay oo maalgashatay markii hore, sidoo kale waxaan mawduucaas ku dari doonaa hadii shirkadu iib tahay iyo hadii kalaba.
shirkada amniga internet Check Point Research (CPR) ayaa cadaysay in ay qabatay dhowr attack oo laysku dayay iyo kuwa dhacay waxayna sheegtay in ay hayso cadaymo muujinaya in Russian hackers is ticmaaleen chatGPT, waxay isticmaaleen codes ay qortay chatGPT kuwaas oo lagu dhici karo xogtaada.
Hackers ka waxaa ay raadinayaan in ay helaan kaarar-ka aad lacagaha online ka ah kubixiso sidoo kale hadday noqot E-mail kaaga iyo social media acounts kooda, in xogtaan la helana nasiib daro waxaa fududeeyay AI.
shirkada CPR ayaa soo bandhigtay warbixino iyo cadaymo sidoo kale waxay ka digtay in laga digtoonaado dhibaatooyinka ka imaanay hackers ka Russia kuwaas oo isticmaalaya chatGPT.
aan mid kuugu daree Russian hackers kuma guulaysan kaliya in ay code ka helaan chatGPT balse waxaa ay ku guulaysteen in ay gudbiyaan codes kaas.
“iminka waxaan aragnaa Russain hackers ka sii tashanayan sidii looga gudbi lahaa Geofencing ayadoo la isticmaalaayo chatGPT”
danbiyada ka dhaca dhanka internet ka ayaa si xawli ah ku socda waxaana loo sababayaa AI in ay ufududeysay hackers-ka.
Ku bilaaw maalintaada habraaca wararka ku salaysan Dhaqaalaha, Ganacsigayada, Maaliyada, Caafimaadka iyo Teknoolajiyada.
Si aysan kuu dhaafin daabacadeena fadlan halkaan hoose noogu reeb E-mailkaaga — Mahadsanid 🖤