free tracking
/

Gudoomiyaha maxkamada oo booqday safaarada..

Start
1 min read

[Update]

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare JFS, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa maanta booqasho ku tagay Safaaradda Soomaaliya ee Kampala, Uganda oo ay halkaas ku soo dhaweeyeen diblumaasiyiinta ka hawl-gasha xarunta Safaaradda oo uu horkacayo Danjiraha Soomaaliya ee dalka Uganda Amb. Cali Maxamed Maxamuud ( Cali Cagabaruur ).

Guddoomiyaha, ayaa war-bixinno ka dhagaystay Safiirka Soomaaliya ee Uganda Amb. Cali Cagabaruur oo uga xog-waramay sida ay safaaraddu u shaqeyso, howlwadeenada ka howl gala iyo adeegga ay u hayso dadka iyo dalka iyo weli ba guud ahaan xaaladda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Uganda.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya Mudane Baashe Yuusuf Axmed oo kormeer ku tagay qeybaha kala duwan ee xafiisyada Safaaradda, ayaa diblomaasiyiinta ku boggaadiyey shaqada culus ee ay u hayaan Qaranka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu kula dar-daarmay inay sii laba jibaaraan dedaalka iyo shaqada ay hayaan ba isla-mar-ahaantaana ay muuqaal fiican ka bixiyaan dalkeena Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya u jooga dalka Uganda Amb. Cali Maxamed Maxamuud ( Cali Cagabaruur ) ayaa shaqo muuqata ka qabta safaaradda iyo adeegyada ay u heyso bulshada Soomaaliyeed, waxaana shaqada safiirka si weyn u bogaadiyay masuuliyiinta dowladda iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee Uganda kunool.

Jalwa

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.