[Golaha shacabka]
gudoomiyaha goloha shacabka mudane Sheikh Adan maxamed Nuur (Madoobe) ayaa dalka dib ugu soo laabtay saakay, kadib safar dhow maalmood qaatay uu kujoogay dalka Kenya 🇰🇪.
Sheikh Adan Madoobe waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay xildhibaano iyo madax kale, asagoona oga mahadceliyay soo dhawayntay u sameeyeen.
gudoomiyuhu safarkiisa Kenya waxaa uu kulamo la qaatay madax kala duwan sidoo kale waxaa uu kulamo kala duwan la qaatay jaaliyada iyo safaaradda Soomaaliya.
waxaa gudoomiyaha utaal shaqo aad ufarabadan waxaana safarkiisa kusoo aadayaa xilli uu baaqday kulanki maantay ee lagu horgayn lahaa ra’iisul wasaaraha cusub, walow lafilaayo in kulanka lagu horgaynaayo ra’iisul wasaaraha uu dhaco isbuuca nasoo aadan.