[Mogadishu]
War bixin ay soo saareen gudiga cunaqabataynta hubka Soomaaliya ayaa sheegay in ay dowlada cusub kala shaqayn doonaan cuna qabataynta hubka, curyaaminta dhaqaalaha kooxaha argagaxisada iyo sidoo kale ka hortaga dhoofinta dhuxusha.
Gudiga ayaa sidoo kale warbixinta ku sheegay in ay aad oga walaacsanyihiin xaalada guud ee dalka gaar ahaan aminga iyo dilalka farabadan ee dhawaanahan soo batay.
“Guddigu wuxuu taageersan yahay dowladda federaalka Soomaaliya iyo la-hawlgalayaasheeda in ay sameeyaan dadaallo kala duwan oo lagu qallajinayo dhaqaalaha Al-Shabaab iyada oo la qabanayo lacagaha lagama maarmaanka u ah howlaha kooxda. Dadaalladaas ayaa noqon doona mid wax ku ool ah oo keliya marka la helo xog-wadaag iyo wadashaqeyn dhab ah oo dhexmarta Dowladda Soomaaliya, Dowladaha deriska iyo saaxiibada caalamka, iyadoo la kaashanayo Guddiga Khubarada,” ayuu lagu yiri warbixinta guddgan.”
Waxay sidoo kale carabka ku adkeeyeen baahida loo qabo wada shaqayn iyo tilaabo midaysan oo ka dhacda golayaasha dowladda dhexdooda.