[1da Luulyo]
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa dadka Soomaaliyeed la wadaagay hambalyadda munaasabadda 1da Luulyo oo ay u dabaaldagayaan.
Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa sheegay in ay muhiim tahay in loo istaago Ka shaqeynta midnimada iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed.
“Waxaan hambalyo u dirayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 62 sano guuradii ka soo wareegatay 1-da Luulyo1960kii oo ku asteysan xornimadii gobollada Koonfurta iyo midowgii Waqooyi iyo Koonfur.
1-da luulyo Waa maalin ku weyn guud ahaan quluubta Dadka Soomaaliyeed, waa maalin ku astaysan gobonnimo iyo guul usoo hooyatay gayiga Soomaaliyeed.
Waxaan aaminsanahay haddii aan u istaagno dhammaanteen, gacmaha is qabsanno, waqtina aan ku bixinno tanaasul iyo is qancin inaan Ka Mira dhalin Karno yoolkeenna ah in walaalaha Soomaaliyeed ee waqooyinka tabashadooda la xallin karo.
Waxaan waqti iyo maskaxba Ku bixin doonnaa in dhamaan dadka Soomaaliyeed dib u heshiisiin dhab ah loo furo si jaceyl iyo niyad Sami iskula noolaadaan dowladnimadeenna cagaheeda ugu istaagto Insha Allah”