[Kenya]
Madaxweyne ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa ku guuleystay doorashadii madaxweyne ee dalkaas ka dhacday 9-kii August 2022, waxaa sidaas ku dhowaaqay Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashada iyo Xuduudaha (IEBC)
Ruto ayaa si dirqi ah kaga adkaaday ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaas Raila Odinga, oo markii shanaad ku guuldarreystay doorasho madaxweyne oo uu u tartamay.
Natiijada rasmiga ah ee guddiga doorashada ayaa muujisay in Ruto uu helay boqolkiiba 50.49 codadkii la tiray oo u dhiganta 7,176 141 cod, halka Odinga uu ka helay boqolkiiba 48.85 oo u dhiganta 6,942, 930 cod.
Odinga ayaa sanadkan haystay taageerada madaxweynaha xilka ka degaya Uhuru Kenyatta, oo sanado badan uu xifaaltan siyaasadeed kala dhaxeeyey, balse sida muuqata taasi waxba uma terin.