[Muqdisho]
Guddoonka golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyey goorta codka kalsoonida loo qaadayo golaha wasiirada cusub ee uu dhowaan magacaabay, ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Xamza Cabdi Barre.
Qoraal ka soo baxay guddoonka baarlamaanka ayaa lagu wargeliyey xildhibaannada in beri oo Axad ah uu jiro kulan-weynaha golaha shacabka oo ka dhacaya Villa Hargeysa.
Xildhibaannada ayaa laga codsaday inay soo xaadiraan kulankaan oo muhiim ah, waxaana ajendaha uu yahay anisixinta golaha wasiirada magacaaban ee Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa golaha shacabka Soomaaliya hortegi doono ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo marka hore xildhibaannada Soomaaliya weydiisan doono inay meel-mariyaan xukuumadda uu soo dhisay, si ay gudato waajibaadka shaqo ee loo igmaday.
Waxaa la saadaalinayaa in xildhibaanada Baarlamanka intooda badan ay codka kalsoonida siin doonaan xukuumada cusub inkastoo qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada ay saluugsan yihiin hanaanka loo maray magacaabista golaha Xukuumada.