free tracking

Golaha Shacabka oo maanta yeeshay Kulan-kodii 1-aad

Start
1 min read

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,

mudane Sheikh Adan Mohamed Nur-Madobe iyo labadiisa ku-xigeen oo maanta shir guddoomiyey kalfadhiga 1-aad Kulankiisa 11aad  ee Golaha oo Ajendihiisu  ahaa dhamaystirka akhrinta koowaad  ee xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa ay Golaha  Baarlamaanka JFS hortooda ka akhriyeen akhrinta koowaad  ee xeer-hoosaadka Golaha Shacabka .

Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka oo ah udub dhexaadka aas-aasiga ah  ee Baarlamaanka kaas oo sharaxaya ku dhaqanka sharciga iyo waxyaabaha ka reeban cida ay quseeyso, iyadoo loo maraayo habka waafaqsan dastuurka iyo wadashaqeynta Baarlamaanka iyo Hay’addaha kale ee dowladda.

Guddoomiye Sh. Aadan Madoobe oo geba-gebada kulanka  xildhibaanda u sheegay in Guddi loo soo xuli doono, xubnahaasi oo ka soo shaqeyn doona turxaan-bixinta Xeer-hoosaadka Golaha, waxaana uu Guddoomiyuhu intaasi ku daray in kulanka xiga la shaacin  magacyadooda.

Caana

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.