free tracking

Goddoomiyaha Gobolka ayaa booqday qaar kamid Wadooyinka Caasimadda

Start
1 min read

[Muqdisho]

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa booqday qaar kamid Wadooyinka Caasimadda oo uu biyaha dhigay Roobkii da’ay 24-kii saac ee ugu dambeeyay.

Duqa magaalada Muqdisho ayaa goobihii uu booqday waxaa ka socotay shaqa balaaran oo ay howl wadeenada Dowlada Hoose Ee Xamar biyaha uga saarayeen Wadooyinka Muqdisho si Shacabka loogu fududeeyo  isku socodka gaadiidka iyo bulshada.

Goobaha uu kormeeray Gudoomiyaha waxaa kamid ahaa.

1- Wadada hormarta dugsiga tababarka Ciidanka boliiska Soomaaliyeed ee School Police.
2-wadada 21-October
3-Warta KM-4 ee degmada Waabari
4- Wadada Buula Xubeey ee degmada Wadajir

Gudoomiye Cumar Filish ayaa maamulada degmooyinka gobolka Banaadir faray in olola xoogan oo Nadaafada iyo bilicda lagu soo celinayo laga qabto Wadooyinka Caasimadda, waxa uu sidoo kale ugu baaqay bulshada in ay garab istaagaan howl wadeenada Dowlada Hoose Xamar.

Caana

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.