free tracking

Go’aamada kasoo baxay shirkii wadatashiga qaran ee Muqdisho ka socday

Start
1 min read

[update]

Waxaa maantay lasoo gabagabeeyay shirkii ka socday magaalada Muqdisho kaas oo u dhaxeeyay madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa dowlada fedraalka Soomaaliya.
shirkaan oo socday mudo labo maalin ah ayaa looga hadlay dhowr arimood oo ay ugu horeeyaan wax ka qabadka amniga gaar ahaan howlgalada ka dhanka ah kooxda nabad diidka, iyo sidii loo siyaadin lahaa howlgalada iminka socda ee dalka looga xoraynayo kooxdaan.
Madaxda shirka u dhaxeeyay ayaa inta badan isku fahmay qodobadii shirka looga arrinsanayay, waxaana socda diyaarinta war-murtiyeedka shirka oo lagu cadeenayo go’aanada ay madaxda isku raaceen.

Shirkan ay isugu yimaadeen madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah oo dalka qeybo kamid ah ka socdaan dagaalo la doonayo in Nabad-diidka looga adkaado.

Dagaalka ka dhanka ah Nabad-diidka oo uu ku dhawaaqay madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadda si rasmi ah uga socda deegaanada Hirshabelle, waxa uuna doonayaa madaxweynaha in dagaalka kawada bilowdo guud ahaan dalka.

Jalwa

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.