free tracking

Gaari ey wateen wariyeyal iyo Ciidan oo lagu qarxiyay Hiiraan

Start
1 min read

[Gobolka Hiiraan]

Faah faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax saaka ka dhacay duleedka degmada Matabaan oo ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay gaari ay la socdeen wariyeyaaal iyo askar, sida ay innoo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhintay ugu yaraan 3 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, waxaana kamid weriyaasha dhawaca soo garay Khaalid Maxamuud Cusmaan (Ilkacase) oo ah agaasimaha Idaacadda maamulka Hirshabeelle ee Gobolka Hiiraan iyo Weriye Cabdikariin Shabeelow oo ka mid shaqaalaha Telefishinka Hirshabeelle.

Sidoo kale weriyashaan waxay la socdeen kolonyo gaadiid ah oo uu hoggaaminayey guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte, waxaana dhawaacyadooda loo qaaday magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, si halkaa diyaarad looga saaro.

Caana

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.