free tracking

Fiilada Internet-ka Google waa soo gaartay Africa 

Start
1 min read

Fiilada hoost marta badwaynta ee dunida u gudbisa Internet-ka ayaa soo gaartay Africa,

Fiiladaan oo ay leedahay shirkadda Google ayaa soo gaadhay Africa, waxayna shirkadda Google u balanqaaday macaamiisheeda in ay kordhin doonto xawaaraha Internet-ka Africa, iyadoo tiri waan laba jibaari doonaa xawaaraha Internet-ka.

Sidoo kale shirkaddu waxay sheegtay in mashruucaan oo sanado badan socday uu iminka soo gabagaboobay oo uu soo gaaray maalinimadii Jumcaha ahayd, qaaraduna heli doonto Internet raqiis ah kana awood badan kan ay imin-ka bulshadu isticmaasho.

Shirkadda ayaa xarumo badan oo Africa ah samayn doonta kuwaas oo ay internet-ka qaadan karaan dhamaan wadamada ku dhow dhow, waxaana lagu bilaabi doonaa oo xarumaha koowaad laga samayn, dhul kuyaala Nigeria, South Africa iyo Namibia kuwaas oo lagu bilaabi doono dhamad-ka sanadkaan 2022.

Afrikada ka hoosaysa saxaraha waa gobolka ugu xidhiidhka yar aduunka, iyada oo ku dhawaad ​​afar meelood meel dadka ka mid ah ay wali ka maqan yihiin caymiska mobilada marka la barbar dhigo 7% caalamka, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay GSMA Intelligence 2020.

 Inta badan wadamada galbeedka Afrika ayaa ah kuwa ugu hooseeya qiimeynta caalamiga ah ee bangiga adduunka ee gelitaanka internetka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.