[Muqdisho]
Waxaan dhambaal hambalyo u dirayaa Madaxweynaha la doortay ee Dowladda Kenya Mudane William Samoei Ruto iyo Ku-xigeenkiisa Mudane Rigathi Gachagua, oo ku guulaystay doorashooyinkii Madaxtinimo ee ka dhacay dalkaas. Aniga oo u rajaynaya nabad, horumar iyo xasillooni. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sidaasi dhahay.
Kadib Madaxweyne Kenyatta, oo qaatay labadiisii muddo xileed ee dastuurku ku xaddiday, ayey isku dhaceen Ruto kadib doorashadii 2017, wuxuuna markaas kadib isbaheysi la sameystay Odinga.
Ruto ayaa hoggaamiya isbaheysiga Kwanza, halka Odinga uu hoggaamiyo isbaheysiga Azimio La Umoja, oo uu ku jiro xisbiga Kenyatta ee Jubilee.