[Gudaha-News]
Xildhibaan Faarax macalin dawaara oo ka mid ah baarlamaanka DALKA kenya ayaa weerar afka ah ku qaaday mas’uuliyiintii hore ee Dawladda Soomaaliya,islamarkaana ka hadlay dagaalada ka socda gobolada Soomaaliya.
Faarax waxa uu ka hadlay sababta keentay inuu Farmaajo madaxweynihii hore ee Soomaaliya ula dagaalami waayey Al Shabaab mudadii xukunka uu joogay.
Xildhibaankani Soomaali Kenyaanka ah ayaa hoosta ka xariiqay in tiro dhowr jeer ah uu Farmaajo weydiiyey inuu xoreeyo Al Shabaab deegaanada ay ka joogeen Soomaaliya balse uu qaaday jidkii aan saxda aheyn.
Waxa uu ku dhaliilay Faarax Macalin in Farmaajo uu Mareykanka weydiistay ka caawinta in la ciribtiro Al Shabaab balse uu ilaaway in shabaabka ay abuureen Mareykanka iyo reer galbeedka.