[Muqdisho]
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya tiro madaafiic ah oo Xalay lagu garaacay xaafado ku yaala agagaarka Iskuul Buluusiya ee degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo jugtooda laga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.
Madaafiicda ayaa la sheegay iney ku dhaceen guryo dad shacab ah dagan yihiin oo ku dhaw Iskuul Buluusiya, kuwaas oo tiradoodu gaareysay ilaa shan madfac oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah.
Afar caruur ah iyo Hooyadood ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen mid ka mid ah hoobiyeyaasha lasoo tuuray oo ugu tagay gurigooda, iyadoo Aabaha qoyskaasina uu ku dhaawacmay madfaca sababay dhimashada afartiisa canug iyo Xaaskiisii.
Waxaa sidoo kale wararku intaasi ku darayaan in ilaa 20 qof oo u badan dad isku qoys ah ay ku dhaawacmeen hoobiyeyaasha xalay ku dhacay Xaafadaha ku yaala agagaarka Iskuul buliisiya ee degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho.
Weerarkaan loo adeegsaday hoobiyeyaasha ayaa ku soo aadayo, ayada oo weli uu socdo howlgalka lagu soo afjarayo weerarka tooska ahaa ee ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday hoteelka Xayaat ee magaalada Muqdisho, kaas oo soo billowday fiidkii hore ee xalay.