free tracking

Ergeyga Gaarka oo gaaray Magaalada Godinlabe

Start
1 min read

[Godinlabe]

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa gaaray magaalada Godinlabe ee gobolka Galgaduud.

Ergeyga ayaa u kuur-galay xaaladda xeryo ay ku jiraan dad barakacayaal oo ku yaalla duleedka magaalada, hakaasoo ay ku nool yihiin reero intooda badan miyaga ka soo hayaamay, kadib markii xoolahoodii abaarta daran ee dalka ka jirta xaalufisay.

Danyar u badan carruur, haween iyo dad da’ ah oo duruufo ay nafaqa-darro ugu horreyso wajahaya, cudurrana u dheeryihiin, ayaa hoy iyo harsiba ka dhiganaya cooshado baco ka sameysan oo aan qorrax iyo dhaxan toona celi karin.

Abaarta jirta waa ka qira-weyntahay sida dadkeennu u heysto, waxaa ay u gudubtay heerkii macluusha oo ah halkii ugu darnaa, dadka abaaburuhu saameeyeen waxa ay u baahan yihiin garab-qabad soo degdega iyo ka war-qab joogto ah, si aan ugu badbaadno in dadkeenno xeyn-xeyn u dhintaan.

Ergeyga ayaa maanta soo gaaray degaannada Galmudug, u-jeedka socdaalkiisa oo ku qotama u kuur-galidda xaaladda abaarta ee ka jirta degaannada maamulka ayuu ka billaabay degmada Cadaado oo ka mid ah magaalooyinka marti-galinaya barakacayaal xooggan.

Caana

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.