free tracking

Ergayga gaarka oo kulan la qaatay madaxa kooxda( Emergency Directors Group)

Start
1 min read

[Muqdisho]

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la qaatay madaxa Kooxda Agaasimayaasha Arrimaha Degdega ah ( Emergency Directors Group) Marwo. Ghada Eltahir Mudawi.

Kulanka ayaa diirrada lagu saaray dardargelinta howlaha gurmadka abaaraha, waxaana sidoo kale kasoo qeybgalay madax sare oo kala socotay hay’addaha UNDP, FAO, UNHCR, WVI, WFP, ICV, iyo OCHA oo ay hoggaamineysay Marwo Ghada Mudawi oo ah madaxa howlagallada OCHA.

Md. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa warbixin ka siiyay wafdiga howlaha xafiiskiisa iyo sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay fududeynta iyo iskububbaridka howlaha Gurmadka Abaaraha, isaga oo ugu danbeyn uga mahadceliyay wafdiga booqashada iyo tegitaanka goobaha sida gaarka ah abaauhu u samaayeen taas oo sare u qaadeysa wacyiga bulshadeena Soomaaliyed iyo Beesha Caalamka.

Marwo Ghada, oo hormuud u ahayd wafdigaan ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in la dardar geliyo howlaha Gurmadka Abaaraha sida ugu dhaqsiyaha badan , waxa ay sidoo kale aad uga deyrisay xaaladda dadkii ay kusoo aragtay qaar ka mid ah deegaanadii ay kormeerka ku tagtay.

Ugu danbeyn, Ergeyga iyo wafdiga ayaa isla gartay in wax badan ay qabsoomeen iyagoo dhanka kale isku raacay in baahida weli taagan darteed la joogteeyo dedaallada Gurmadka Abaaraha ee iskugu jira U-qareemidda, fududeyntam iskudubbaridka iyo gaarsiinta gargaarka guud ahaan meelaha ay abaauhu ka jiraan.

Caana

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.