free tracking

Ergayga gaarka oo dhambaal Madaxweyne garsiyay Ururka OIC

Start
1 min read

[Saudi Arabia]

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dhanbaal qoraal ah oo uu ka siday Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud gaarsiiyay Xoghayaha Guud Ururka Iskaashiga Islaamka Md. Xuseen Ibraahim Dhaaha.

Kulanka labada mudane oo ka dhacay xarunta Ururka (OIC) ee ku taalla magaalada Jeddah ee dalka boqortooyada Sacuudiga, ayuu ergaygu uga warbixiyey Xoghayaha Guud inta uu la egyahay xaddiga abaaraha ba’an ee ka jira xilligaan Soomaaliya, isagoo la wadaagay sida ugu habboon ee ay dalalka Islaamka kaga qayb-qaadan karaan gurmadka abaaraha.

Xoghayaha Guud ee Ururka Islaamku ayaa dhankiisa muujiyey walaaca ay ka qabaan saamaynta ay abaaruhu ku yeesheen dadka Soomaaliyeed, isagoo xusay in ay ka go’an tahay dhaqan galinta qaraarkii ka soo baxay Kalfadhigii Afartan iyo Siddeedaad ee Wasiirada Arrimaha Dibadda ee (OIC) ay horraantii sanadkaan ku yeesheen Islamabad ee ahaa garab istaagga Soomaaliya.

Ergayga iyo Xoghaya ayaa isla gartay talaabooyin lagu dardargelinayo gurmadka abaaraha, sarana loogu qaadayo wacyi ku aadan xaalada abaarta ka taagan Soomaaliya.

Soomaaliya waxa ay ka mid ahayd aas-aasayaashii (OIC) oo hadda ka kooban 57 Dowladood, waxa ay had iyo jeer maqaam sare ku lahayd ajandayaasha Ururka, kaasoo qudhiisu si firfircoon uga qayb qaaday teegeerada iyo dadaallada muddada socda ee lagu baadi goobayo in mar kale Soomaaliya ku gaarto nabad iyo xasillooni, si buuxdana ugu istaagto cagaheeda.

Caana

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.