Abdirahman Abdishakuur warsame Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u Qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha oo maanta tagay degmada Doolow ee gobalka gedo ayaa Boqday xeeryaha barakacayasha.
Xerooyinka Barakacayaasha uu booqday ergayga ayaa u badnaa kuwa ey jiraan carruur, haween iyo dad da’ ah, wuxuuna ka Codsaday Dowladda Federaalka, deeq-bixiyayaasha caalamiga ah, kuwa aan caalimiga ahayn iyo umadda Soomaaliyeed ee wax heysata in ay gargaar iyo gurmad degdeg ah la soo gaaraan dadkaan.
Ergayga ayaa inta uu joogo Degmada booqasho iyo kormeer ku tagi doono Xerayaha ay dagan yihiin dadkii ka soo barakacay Gobolada Bay, bakol, iyo gedo.