free tracking

Ergayga Gaarka ayaa kulamo laqatay Madaxa USAID IYO Ergayga QM

Start
1 min read

[Muqdisho]

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, madaxa ugu sarreeya hay’adda Kaalmada iyo Hormarinta Caalamiga ah ee Mareykanka, Danjire Samantha Power iyo Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan, ayaa wadajir u shir guddoomiyay kulan looga hadlayay arrimaha abaaraha Soomaliya.

Kulanka oo ay kasoo qeyb-galeen qaar ka mid ah danjireyaasha waddamada Soomaaliya deeqaha siiya sida; Mareykanka, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Ingriiska, Turkiga, Sucuudiga, Imaaraatka Carabta iyo Qatar ayaa si guud diiradda loogu saaray xaaladda abaaraha Soomaaliya, halka uu maraayo dedaalka gurmadku iyo sida loo sii dardar-gelin karo.

Samantha Power oo hadalka ku horreysay ayaa mahadcelin kadib ku dhawaaqdey 476 milyan oo deeq dheeriya ah taas oo ka dhigeysa tirada lacagta guud ee Mareykanku ku deeqay Soomaaliya sanadkaan 668 Milyan, Samantha ayaa sidoo kale sheegtay in dowladdeedu ay dedaal ku bixineyso u qareemidda Gurmadka Abaaraha Soomaaliya.

Waddamada kale ayaa dhankooda ka warbixiyay deeqaha ay siiyaan Soomaaliya, iyagoo muujiyay sida ay u daneynayaan sii xoojinta dedaallada ku aaddan gurmadka abaaraha.

Ergeyga ayaa uga mahadceliyay dowladda Mareykanka deeqda ay kordhiyeen isagoo ugu baaqay dowladaha kale in ay ku daydaan dowladda Mareykanka, wuxuu kaloo ergeygu uga mahad celiyay Danjire Samantha Power, booqashada ay ku timid Soomaaliya, taasoo indhaha caalamka ku soo jeedineysa muskiladda abaaraha ee ka aloosan waddanka.

Ergeyga ayaa sidoo kale ku ammaanay dhammaan waddamada shirka kasoo qeyb-galay taakuleynta macnaha leh ee ay ka geysteen abaarta xun ee ka taagan waddanka, isagoo ka codsaday in ay kordhiyaan deeqaha ay ku bixinayaan gurmadka Abaaraha.

Ugu danbeyn Ergeyga ayaa shirka ka codsaday gacan ka geysashada fududeynta xawilaadda lacagaha si ay qurba-joogta ugu sahlanaato door ka ciyaarista samata bixinta dadkooda.

Caana

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.