free tracking
/

Erdogan oo Shaaciyay arrin uu ka ogaaday Wajiga Putin kadib kolkii….

Start
1 min read

[Turkey-News]

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa shaaca ka qaaday in madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin, uu xilligan doonayo sidii loo soo afjari lahaa duullaanka ciidamada Ruushka ku qaadeen dalka Ukraine.

Erdogan oo wareysi siiyay warbaahinta laga leeyahay Mareykanka ee PBS ayaa sheegay in kulankii uu dhawwaan la qaatay Madaxweyne Putin uu wajigiisa ka dareemay sida uu rabo in dagaalka ka socda Ukraine loogu joojin lahaa sida ugu dhaqsaha badan.

“Waxa uu runtii muujinayay Madaxweyne Putin inuu aad u rabo joojinta dagaalka, weliba si degdeg ah, arrintaas ayaan ka dareemay, sababtoo ah sida ay hadda wax u socdaan waxaa ku jira xoogaa dhib ah.” ayuu yiri Erdogan.

Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa sidoo kale sheegay in ay socdaan dedaalo ay Ruushka iyo Ukraine ku kala bedelanayaan boqolaal maxaabiis ah oo ay kala heestaan, mana cadeyn Erdogan cida ay noqon doonaan maxaabiista la is dhaafsanayo.

Erdogan oo saaxiib la ah madaxda labada dal ee Ruushka iyo Ukraine ayaa marar badan isku dayay xal u helida dagaalka ka socda Ukraine, waxa uuna wali wadaa dadaalo xal looga gaarayo dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine.

Ciidamada Ruushka ayaa guuldarooyin kala kulmay dagaaladii ugu dambeeyay ay la galeen ciidamada Ukraine, waxaana Ruushka dib looga qabsaday magaalooyin iyo deegaano badan oo horey gacantooda ugu jirtay.

Jalwa

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.