Madexweynaha dalka Turkey mudane Recep Tayyip Erdogan ayaa shaaca ka qaaday in dowladiisu damacsantahay in ay ku dhawaaqdo doorasha guud ee dalka, iyagoona sheegay in ay damacsanyihiin 14 May in la qabto.
sidaan mowduuca kore ku xusnay doorashada guud ee dalka Turkey waxaa la qorshaynayay in ay dhacdo 18-ka Jun ee sanadkaan 2023.
Hase ahaatee, saraakiisha qaabilsan arintaa ay dhawaanahan istusinayay in laga yaabo inay codbixnta soo hormariyaan arimo jiro awadood, sida imtixaanaadka Schools ka iyo munaasabado diimeed oo dhacaya waqtigaas.
Madaxweyanah oo xalay khudbad u jeediyay xisbigiisa talada dalka haaya ayaa dib u xasuusiyay dadk in Turkey qabatay doorashidii u horay oo xor ah sanadii 1950-ki.
doorashadaa oo dhacay 14 May ayaa waxaa ku guulaystay mudane Adnan Menderes, kaasoo ahaa ra’iisul wasaarihii ay xukunka ka tuureen milatariga 1960-kii sanad kadibna ay dileen.
Mucaaradka wali kuma midoonin hal musharax oo wajahaya Erdogan, waxaana laga yaabaa in codbixintaa ay caqabad kunoqoto awooda Erdogan ee Baarlamaanka Turkey.
xisbigiisa ayaa hadda isbahaysi la leh xisbiga midigta-fog kaasoo taageeradiisu hoos udheceen sanadihii lasoo dhaafay.
Ku bilaaw maalintaada habraaca wararka ku salaysan Dhaqaalaha, Ganacsigayada, Maaliyada, Caafimaadka iyo Teknoolajiyada.
Si aysan kuu dhaafin daabacadeena fadlan halkaan hoose noogu reeb E-mailkaaga — Mahadsanid 🖤