free tracking

Erdogan oo safar dhulka ah ku tagay dalka Ukraine

Start
1 min read

[Ukraine]

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa booqasho rasmi ah ku tagay dalka Ukraine, Waxaana safarka ku wehlinayay wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga, Mevlüt Çavuşoğlu, wasiirka tamarta iyo kheydaarda dabiiciga ah, Fatih Dönmez, wasiirka difaaca qaranka, Hulusi Akar, wasiirka beeraha Vahit Kirişci, wasiirka ganacsiga Mehmet Muş iyo mas’uuliyiin kale.

Erdogan ayaa diyaarad ku tagay magaalada Rzeszow ee dalka Poland, isagoo ka dibna safar dhinaca dhulka ah uga gudbay xadka, una tallaabay Ukraine. Waxaana uu gaaray magaalada Lviv oo ku taalla galbeedka Ukraine.

Safarkiisa ayaa ku soo beegmay xilli uu meel xasaasi ah marayo dagaalka Ruushka iyo Ukraine.

Lama soo tebin wax caqabad ah oo uu kala kulmay safarka dhulka ee uu ku galay Ukraine, Erdoğan ayaa qasriga Pototsky ee ku yaalla magaalada Lviv kula kulmay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy oo halkaas ku sugayey.

Erdogan oo ka hadlayay kulanka ka dhacay magaalada Lviv ee dalka Ukraine ka dib ayaa waxa uu sheegay inay ka wadahadleen xoojinta jawiga wanaagsan ee uu abuuray heshiiska dhoofinta badarka ee ay garwadeenka ka tahay Qaramada Midoobay si loo helo nabad waarta.

Caana

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.