Madaxa Tesla iyo Twitter waxaa uu hogaanka u hayay taajirnamada dunida oo iminka lagala wareegay, waxaana iminka hogaamiyana madaxa shirkada LVMH ee Bernard Arnault.
In badan Elon waa uu ka soo muuqaday sabuurada taajirnimada laakiin markaan xaalka waa uu ka duwanyahay sidii hore oo Elon waxaa uu hadda jabiyay rikoorka aduunka ee khasaaraha ugu badan taariikhda dhacda shaqsiyaadka taajiriinta ah, xaalku uma wacna Elon, inkastoo taajiriin badan khasaarayaan, waxaan ku soo daabici doonaa warbixinadeena imaan doonaa in shaa Allah.
Madaxda Tesla warbixin ka soo baxday waxaa ay sheegeen in Elon larafanayo khasaaro xadigiisu waynyahay ayagoo sheegay in uu lumiyay maal aduun gaaraya $182 Billion oo dollar tan iyo Nov 2021-di.
Dabadeed Rikoorkaan maantay dhacay waxaa ay ubadanatahay in maqaamka ama title ka lagu yaqiinay uu isbadalo, baaritaan ay Forbes samaysay waxaa ay xisaabisay in laga yaabo in Musk uu lumiyay maal aduun kudhow $200 billion oo dollar, waxayna sheegeen in ay jiraan hanti aan laxisaabin oo hoos udhac wajahaysa.

Waxaa jiray nin lagu magacaabo Masayoshi Son kaasoo ah soo saare qalab teknoolajiyadeed lehna shirkado teknoolajiyadeed waxaa uu horay u haystay rikoorkaan kadib markii uu lumiyay maal aduun lagu sheegay $58.6 billion dollar sanadi 2000, balse waxaa sanadaan 2023-da lawareegay Elon Musk.
Tesla waxaa ay hoos udhacday 65% stock market ka sanadkii tagay ee 2022.
Wararkeena qaybta dhaqaalaha ayaan oga hadli doonaa warbixino kale oo saabsan arintaan, Napa soco.
ku bilaaw maalintaada habraaca wararka kusalaysan dhaqaalaha, ganacisiga, caafimaadka iyo Teknoolajiya—- si ayasan kuu dhaafin E-mali kaaga halkaan hoose noogu reeb — Mahadsanid 🖤