[Ciiddul-Adxa]
Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa shaac ka qaaday in la arkay bisha Dul-Xijjah (Carafo), taasi oo ka dhiggan in la ogyahay maalinta ay ku beetgan tahay munaasabadda Ciidul Adxaa ee sanadka 2022.
Sacuudiga waxay sheegeen in bisha Carafo xalay laga arkay goobta loo yaqaan Tamirka ee dalka Sacuudiga, sidaasina ay maalinta Carafo ay ku beegantahay 8-da July oo Jimco ah, halka maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa ay tahay Sabtida 9-ka July 2022.
Wasaaraha Arrimaha Diinta iyo Awqaafta ee Dowladaha Malaysia, Indonesia iyo Brunei ayaa ku dhawaaqay inay bisha Dulxaj ee sanadkan 1443-ka ee Hijriyah bilan doonto Maalinta Jimcaha ee soo socota, kuna beegan bisha July 1-da ee Taariikhda Milaadiyada ee 2022-ka.
Bayaanka ay Dowladahaasi soo kala saareen waxaa kaloo lagu xusay in Maalinta Koowaad ee Ciiddul-Adxa loo dabaaldegi doono bisha July 10-da.
Warbixinta waxaa kaloo lagu xusay in la joogsan doono Banka Carafo Maalinta Jimcaha ee ku beegnaan doonta bisha July 8-da ee Taariikhda Milaadiga, Maalinta Koowaad ee Ciiddul-Adxa waxaa loo dabasl-degi doonaa bisha July 9-da.