free tracking

Dowladaha Soomaaliya iyo Eritrea oo kala saxiixday Heshiis cusub

Start
1 min read

[Eritrea]

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta heshiis cusub oo is af-garad ah magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea kula saxiixday dhigiisa dalkaasi, Mudane Isaias Afwerki.

Heshiiska is fahanka ee ay kala saxiixdeen Madaxda labada dal ayaa diiradda saarayay iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinacyada kala duwan sida siyaasadda, diblomaasiyadda, dhaqaalaha, bulshada, dhaqanka, deegaanka, difaaca iyo amniga.

Wasaaradda Warfaafinta dowladda Eritrea ayaana baahisay heshiiska is fahamka ah ee kala saxiixdeen madaxda dowladaha Soomaaliya iyo Eritrea, waxa ayna labada Madaxweyne isla garteen in heshiiska labada dal la xoojiyo ayna sameestaan iskaashi cusub.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaana soo gabogabeeyay safarkii uu ku joogay dalka Eritrea kuna soo laabtay Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha Eritrea kasoo sagootiyay Madaxweynaha Eritrea.

Caana

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.