free tracking
///

Dowlada Soomaaliya oo looga fadhiyo 3 arin xalintood sanadkaan 2023

Xarunta Daraasaadka Carabka ee magaaladda Washington oo ah xarun cilmi baaris ayaa warbixin ay soo saartay waxay ku sheegtay in Soomaaliya ay sanadkani 2023-ka ay wajahayso seddex caqabadood oo isku-sidkan.

Start
Live
1 min read

Sida laga soo xigtey warbixintan, dildilaacyadan horyaalka maamulka Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa haddii aanan xal loo helin ay adkaan doonto horu-socodnimada Soomaaliya.

Qoromada oo soo baxdey todobaadkan ayaa lagu caddeeyay in qodobadan ay Villa Soomaaliya u abuurayaan duufaan siyaasadeed oo ay dhib badan tahay in uu si sahlan looga talaabo.

Xarunta ayaa cabaqadahani ku sheegtay gooni isu taagga maamulka Somaliland, gadoodka dowlad goboleedka Puntland iyo amni darada ay maleyshiyaadka Al-Shabaab sababta u yihiin.

Ka dhabeynta balanqaadyadda hore

“Marka laga soo tago waxyaabaha u baahan wadahadalka siyaasadeed ee Somaliland iyo Puntland ku saabsan, dowladda Soomaaliya waxay u baahantahay gacan iyo garab istaag xoog leh oo beesha caalamka,” ayay tir.

Maraykanka ayay si gaar ah carabka ugu dhufatay in uu muhiim u yahay ololaha la dagaalanka kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab iyo Daacish oo fadhigoodu yahay Puntland.

Xaruntan oo daraasadeeda ay gaaraan xafiisyo saamayn leh ayaa warbixinteeda ku xustay in madaxweyne Xasan Sheekh uu horey u ballanqaaday dib u heshiisiin siyaasadeed, taas oo loo baahanyahay in uu ka miro dhaliyo.

Maamul goboleedka Puntland ayaa waxa uu soo saaray war-murtiyeed ka kooban saddex warqad oo uu ku caddeynayo “in uu yahay dowlad gaar ah oo ka madaxbannaan dowladda federaalka Soomaaliya”.

Faro isku-taag-taagga durba bilowday

Qoraalkaan ayaa imaanaya xilli dhowaan Madaxweynaha muddo xileedkiisu gabaabsiga yahay Deni uu diidey inuu la saxiixo war-murtiyeed dowlada Federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Deni oo xalay ka hadlay munaasabad uu ugu dabaaldegay afar sano guuradiisa ayaa difaacay diidmadiisa saxiixida labadii qodob ee war-murtiyeedkii ugu dambeeyay shirka madaxda federaalka iyo maamulada.

“Wax u muuqdo qorshe la rabo in dalkan dib loogu celiyo dowlad dhexe ayaa meesha la keenay,” ayuu yiri. Dhanka kale, dilalka ka dhacay Laascaanood ayuu ku sheegay “dambiyo dagaal”.

Hogaanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Arbacada maanta ah si maldahan uga jawaabay eedo uga yimid madaxweynaha waqtigu ka dhamaanayo ee Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.

“Loo joojin maayo” oo soo rogaal-celisay

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka jawaabaya dhaliisha ah in uu federaaleynta dalka u hirgelinayo qaab danahiisa u adeegaya ayaa andacoodey in mashruucan uu isaga ka horeeya.

“Federaaleynta dalka Xasan Sheekh ma keenin. Dastuurka ayay ku qoran tahay in dalku federaal yahay. Laakiin [arrimihii] dadka ka dhaxeeyay inta la jiido yaan la isku-dayo in laga dhigo [kuwa degaan gaar ah],” ayuu yiri.

Dhankiisa, ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa wacad ku maray in aysan u joojin doonin dad uu ku tilmaamay “in ay isku-dayayaan carqaladeynta horey u socoshada Soomaaliya”.

“Marka kasta oo aad dhaqaaqdo Soomaaliya, wax ku jiida oo lugta kugu dhega, oo marba maro kaa jeexa oo meel ka qayliya lama waynaayo. Lugaha la iskaga dhego ama qadaadka, waa la dhameystirayaa dastuurka sanadkan,” ayuu tibaaxay.

ku bilaaw maalintaada habraaca wararka kusalaysan dhaqaalahaganacisigacaafimaadka iyo Teknoolajiya—- si ayasan kuu dhaafin E-mali kaaga halkaan hoose noogu reeb — Mahadsanid 🖤

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Latest from Blog

About

In badan oo kamida website-yada af ka Soomaaliga wax ku qora uma soo bandhigaan sida aad wax u rabtid, anagoo taa ka duulayna ayaan qoraaladeena ku salayn doonaa in maskaxda qofka aqrisanaya wax badan ka badalno—-mahadsanid!

 

Top Authors

Wax badan Online news ma aqrisay misana ma istiri maxaad ka faaiday, waa in aan wax ka badalnaa qaabka aan news ka u qorno qaastan ka Soomaaliga, sababta aan u aasaasnay Waddanitimes ayay ka mid tahay, in si cilmi iyo baaritaan kujiro aan qoraaladeena ku salayno!

Waxaan ahay wariye wax ka qora dalka iyo dibadda, waxaan jeclahay in aan news ka dalka ka haqabtiro bulshada sida aan jeclahay in aan oga haqabtiro naftayda!

Categories

Newsletter

© 2023. Waddani Times. All rights reserved.