Warar goor dhow nasoo gaaray ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ee kenya ay fuliyeen duqaymo culus
Wararka ayar ku daraya intaas in duqaymahaan ay diyaadaha Kenya ka fuliyeen gobolka Gedo ee Soomaaliya, duqaymahaan ayaa ka dhacay dhor deegaan ka mida gobolka waxayna kala yihiin, Garsaal, Ceel-Cadde iyo Busaar deegaanadaan oo ay ku noolyihiin inta badan dad xoola dhaqata ah, duqaymahaasna waxaa ay deegaanadan ka gaysteen qasaaro kala duwan.
Mar ay dadka deegaanku lahadleen idaacaha deegaanka waxaa ay sheegeen in duqayntu ahayd mid culus isla markaana ay gaystay waxyeelo farabdan oo aan la xaqiijin karin, sidoo kalana ay xoolo farabdan ay ku baabe’een.
Horay ayaa loogu eedeeyay dowladda kenya in ay dhowr-jeer oo hore ay duqaymo farabadan ka gaysatay deegaanka, balse sida caadada ah dowlada kenya waa ay beenisaa dhacdooyinkaan.