[Mogadishu]
War hadda nasoo gaaray ayaa sheegay in diyaarad rakaab siday oo leedahay shirkada diyaaradaha ee Jubba Airways ay kusoo dhacday garoonka diyaadaha ee Aadan Cadde.
Sida ay noosheegeen dad goob joogayaal ah waxaa soo dhacday diyaaradaan oo holcaysay, taasoo kudhacday qayb kamida garoonka Aadan Cadde.
Diyaaradaan ayaa kasoo kacday magaalada Baydhabo iyadoo siday rakaab gaaraya 50-qof.
Wali lama oga khasaaraha ka dhashay diyaaradaan shilka ku gashay garoonka Muqdisho, waxaana iminka socda gurmad loo fidinayo diyaaradan goordhow soo dhacday.
Wixii faahfaahin ah waxaan kusoo gudbin doonaa wararkeena danbe in shaa allah.