[Bossaso]
War goordhaweyd kusoo dhacay Warqabadkeena Warqaad ayaa sheegaya in Maamulka Hawada Puntland ayaa amar ku bixiyeen in magaalada Boosaaso loo diido, in diyaarad ay lasocotay kusimaha ahana gudoomiyaha labaad ee baarlamaanka soomaaliya marwo Saciyo Yaasiin Xaaji Samatar,
Warar kala duwan ayaa soo baxaya oo ku aadan in diyaaradaasi la hor istaago,inkastoo weli xog faah faahsan la helin oo warku yahay mid wakhti dhow soo baxay.
Diyaarada hawada laga celiyey ayaa la sheegay in siday deeq Gargaar ah oo loogu talo-galay dadka ay Abaaruhu saameeyeen deegaanada Puntland.
Marwo Sacdiya ayaa ah Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee baarlamaanka Faderaalka, waxayna kasoo jeeda Puntland,oo kursiga xildhibaanimada loogu doortay Garowe,balse waxa cajiibka ah ayaa la sheegay inay tahay maalmo kahor oo ay tagtay Garoowe ayaa si maqaam hoose ah loo soo dhaweeyey,balse markaasi lama hor istaagin deeq gar gaar ay halkaasi geysay.
Diyaaradda ayaa hawada laga celiyey, taas oo muujinaysa xariirka Dawlad gobolleedka Puntland iyo mida Federaalka in uusan aheyn weli mid dhameystiran, xilli ay soo baxayaan macluumaad hoosadyo sheegaya in labada dhinac aysan isku faraxsaneyn.